687 Views

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo la filayaa inuu maanta xilka ka qaado wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo la filayaa inuu maanta xilka ka qaado wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed.
____________________________________________________________________________


Isniinfebruary 21, 2022

 Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu maanta xilka ka qaado wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed,

Cabdirashiid ayaa Soomaaliya ka abuuray mowjad siyaasadeed kadib markii uu Sabtidii shaaca ka qaaday inuu saxiixay heshiis shidaal sahmin ah oo dowladda federaalka ay la gashay shirkad laga leeyahay Mareykanka, taasi oo ay si isku mid ah u diideen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Cabdirashiid oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, islamarkaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka  ayaa lagu shaaciyey in heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, uu yahay mid muujinaya in lagu xad-gudbay shuruucda dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Saxaafada  u sheegay in Rooble uu qorsheynaya inuu maanta xilka ka qaado wasiirka, si loo mariyo ciqaabta heshiiskan uu galay oo Soomaaliya u horseedi kara caqabad dhinaca sharciga ah.

wasiirka lagama  qaadi doonin tallaabo kale marka laga reebo xilka ka-qaadista, inkasta oo hanti-dhowraha qaranka uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd heshiiska.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post