1128 Views

Mareykanka oo walaac ka muujiyay keydka hubka Nukliyeerka Shiinaha

Mareykanka oo walaac ka muujiyay keydka hubka Nukliyeerka  Shiinaha
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Mareykanka ayaa sheegay in kordhinta keydka hubka Nukliyeerka ee Shiinaha ay tahay arrin walaac leh ayna tahay in Maraykanku kala hadlo Shiinaha sida wax u socdaan.

Isagoo la hadlayey suxufiyiinta, afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in “loo baahan yahay in Shiinaha uu la hadlaa Mareykanka si xal rasmi ah looga gaadho isku dheelitirka hubka.”

Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Shiinaha uu dhisayo in ka badan boqol kayd oo lagu magacaabo silos kuwaas oo ah nooc hub oo casri ah oo gantaalahooda lagu keydiyo dhulka lama degaanka ah ee gobolka galbeedka.

Ned Price wuxuu sheegay inay ku adkaatay Shiinaha inuu qariyo hubkiisa sida laga soo xigtay Global Times, silos waxaa badanaa laga isticmaalaa Shiinaha si loogu xareeyo gantaalaha qaaradaha isaga kala goosha. Gantaaladan ayaa daboolaya masaafo dheer iyagoo soo saara tamar badan. Waana hub culus oo nukliyeer ah.

Gantaalaha lagu xareeyo silos si fudud ayaa loo hagaajin karaa loona dayactiri karaa isla markaana si fudud ayaa loo isticmaali karaa markii loo baahdo in la rido.

Warbixinta Washington Post ayaa sheeganeysa in Shiinuhu uu dhisayo 119, silos oo goobaha kaydka hubka oo ku yaalla lamadegaanka ku dhow magaalada Yumen ee gobolka Ganzhou

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Shiinuhu uu dhisayo in ka badan boqol silos oo gantaalo ah haddii intaas la dhameystirona waxay noqon doontaa isbadal taariikhi ah oo ku dhacay siyaasada Nukliyeerka Shiinaha.

Xigasho:-BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post