759 Views

Maxamed Bin Salmaan: “Wuxuu doonayay in boqor Cabdalla lagu dilo faraanti sun ah” – Sarkaal Hore

Maxamed Bin Salmaan: “Wuxuu doonayay in boqor Cabdalla lagu dilo faraanti sun ah” – Sarkaal Hore
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 27, 2021

Sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan uu soo jeediyay in la dilo boqorkii geeriyooday ee Sacuudiga Boqor Cabdalla.

“Maxamed Bin Salmaan wuxuu sooo jeediyay in boqor Cabdalla la dilo iyadoo la adeegsanayo ‘Faraanti sun ah'”, sida uu sheegay Sacad Al Jabri oo wareysi siinayay warbaahinta CBS, gaar ahaan barnaamijka ’60 Minutes’.

Sacad Al-Jabri oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Sacuudiga, wuxuu sheegay in sannadkii 2014, uu Maxamed Bin Salmaan ku wargeliyay adeerkii in kursiga uu u banneeyo aabihii.

Xiisad ayaa ka dhex taagneyd qoyska boqoqrtooyada oo ku saabsan cidda awoodda la wareegeysa.

Dowladda Sacuudiga waxay Sacad Al Jabri ku tilmaantay sarkaal hore oo ka tirsanaa dowladda oo edeb daran isla markaana in muddo ah ku soo dhex jiray faafinta arrimo been ah.

Al-Jabri wuxuu tilmaamay in hoggaamiyaha dadban ee Sacuudiga uu yahay, “Qof aanan fayoobeen oo dilaa ka ah Bariga Dhexe, heystana dhaqaale xooggan, kaas oo halis ku ah dadkiisa ku nool Mareykanaka ama adduunka kale.”

Wuxuu ku eedeeyay Maxamed Bin Salmaan in markii uu kulan la qaatay Amiir Maxamed Bin Nayef, sannadkii 2014, oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha, “in uu qorsheeyo dilka boqor Cabdallah Bin Cabdul Casiis

Sida Al-Jabri uu ku andacooday: “Wuxuu u ku yiri, ‘waxaan doonaya in aan dilo boqor Cabdalla. Waxaan rabaa in aan dilo aniga oo adeegsanaya faraanti sumeysan oo laga keenay Ruushka’,” ayuu yiri Jabri.

“Wuxuu sheegay in arrinta si dhab ah loo qaatay.”

Sacad Al Jabri wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay si hoose u xalliyeen qoyska boqortooyada, ka dib markii la qabtay kulan qarsoodi ahaa oo la duubay.

Boqor Cabdalla wuxuu geeriyooday sannadkii 2015, wuxuuna ahaa 90 sano jir. Ka dib waxaa xilka boqortooyada la wareegay boqor Salmaan, waxaana dhaxal sugaha loo magacaabay Maxamed Bin Nayef, kaas oo markii dambe xabsi la dhigay.

Sannadkii 2017, waxaa dhaxal sugaha laga wareejiyay Maxamed Bin Nayef, xilkaas oo lagu wareejiyay Maxamed Bin Salmaan, oo ah wiilka boqorta hadda ee Sacuudiga.

Maxamed Bin Nayef ayaa sidoo kale laga qaaday xilka wasiirka arrimaha gudaha, waxaana la geliyay xabsi guri. Sannadkii la soo dhaafay ayaa loo xiray dacwado aanan la sheegin.

Sacad Al-Jabri ayaa u cararay dalka Canada markii xilka laga qaaday Maxamed Bin Nayef.

Wuxuu sheegay in qof ka tirsan sirdoonka dalalka Bariga Dhexe, oo ay saaxibo yihiin uu ku wargeliyay in Maxamed Bin Salmaan uu u soo diray koox disha, bishii Oktoobar 2018. Maalmo uun ka dib markii koox ka socotay ay Turkiga ku dileen weriyihii Sacuudiga u dhashay, Jamaal Khaashuqji.

Khashoggi waxaa lagu dhex dilay qunsuliyadda uu sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul, sida baaritaanno hore lagu ogaaday.

Waxaana la sheegay in lix qof ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Ottawa ee Canada, kuwaas oo laga tarxiilay dalkaas markii la ogaaday inay wateen qalab laga shakiyay.

Jabri ayaa mar uu wareysi siinayey barnaamijka ’60 Minutes’ ee telefishinka CBS News, wuxuu sheegay in qorshaha ah in la dilo uu bilowday markii uu dalka cararay, ka dib markii xilka dhaxal-sugaha uu la wareegay Maxamed Binu Salmaan, sannadkii 2017.

Markii la baahiyay hordhaca wareysiga inta uusan telefishinka ka bixin, waxay safaaradda Sacuudiga ee Washington bayaan ay soo saartay ku tilmaantay in Sacad Al-Jabri uu ahaa sarkaal hore oo dowladda ka tirsanaa “loona haysto dambiyo la xiriira dhaqaalaha”.

BBC-da waxay la xiriirtay dowladda Sacuudiga si ya uga jawaabta eedeymahan balse kama aysan soo hadlin weli.

Jabri ayaa wajahaya dacwado musuq maasuq iyadoo ay ku dhigan yihiin hay’adaha dowladda Sacuudiga, garsoore ka tirsan dowladda Canada ayaa xayiray hantidiisa isla markaana sheegay in ay jiraan caddeymo ku aadan arrintaas.

Wuxuu beeniyay eedeymahaas, wuxuuna sheegay in uusan xadin lacagta dowladda. Wuxuu tilmaamay in dadkii horey uu shaqeyn jiray ay lacago badan abaal marin ahaan u siiyeen.

Ninkan sirdoonka ahaan jiray ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xireen laba ka mid ah 8 wiil oo uu dhalay, taas oo uu ku tilmaamay ‘aargoosi’ ​​ka dib markii uu ka cararay boqortooyada.

Waxaana labada wiil lagu eedeeyay isdaba marin lacageed iyo isku day ay dalka kaga baxsan rabeen, dacwaddaas oo ay beeniyeen.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post