1437 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 27, 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal.

Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay..

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment