648 Views

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo weeraray garoon kuna dilay dhowr cayaartooy

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo weeraray garoon kuna dilay dhowr cayaartooy
____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe askari “ka tirsan” ciidamada dowladda uu rasaas ku furay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa garoon lagu ciyaarayay kubadda cagta oo ku yaalla gudaha degmada Beled-xaawo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh.

Askariga oo ku hubeysnaa qoray Ak47 ah, isla-markaana ku socday Mooto Bajaaj ayaa la sheegay inuu tegay garoonka, xilli ay ka socotay ciyaar, kuna sugnaayeen dadweyn fara badan, wuxuuna kadib ooda uga qaaday rasaas, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan labo wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo, waxaana lagu kala magacaabi jiray, Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul, sida uu Aadan Cumar Barkhadle u sheegay VOA.

Barkhadle oo ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa sheegay inuu si bareer ah askarigaasi rasaasta ugu furay ciyaartoyda iyo dadkii kale ee daawanayey ciyaarta xilligaasi socotay.

Ad by Valueimpression

“Wuxuu ahaa nin orod ku yimid iyo qof dan-leh Bajaaj ku socday Bajaajta marka ay soo istaagtayna qoriga xabadda raacsaday naga leexi la yiri markii naga leexi la yiri meeshii uu ka leexin lahaa dadka qoriga ujeed kasta uu lahaaba rasaastii buu ooda uga qaaday labadaa wiil ayeyna haleeshay siyaabo halis ahna ayey ugu dhacday,” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada wiil ee geeriyootay ay ahaayeen dhalinyaro aad u firfircoon, isla-markaana si weyn looga yaqaanay deegaanka.

“Labada wiil ee ka midka ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo weliba kuwooda la oran karo waa ubaxii hadda soo kacaayey oo ugu yar yar laba nin oo maashaa allaah oo firfircoon-bey ahaayeen oo aad u wanaagsan, aad loo jecelyahay,” ayuu raaciyey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa haatan sheegaya in gacanta lagu soo dhigay askariga lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey falkaasi, kaas oo isku dayey inuu baxsado, waxaana socda baaritaano dheeri ah oo ku aadan dhacdadaasi ay waxyeelada kasoo gaartay ciyaartoyda.

Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee uu askariga u beegsaday garoonka ay xilligaas ciyaarta ka socotay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo.

By Istar Cabdi Yuusuf

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post