14766 Views

Xafladii taageerada RW Xasan Cali Khayre ee Jaaliyada Toronto

Xafladii taageerada RW Xasan Cali Khayre ee Jaaliyada Toronto
____________________________________________________________________________

Toronto | Maarso 20, 2017 –  Waxaa habeekii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Toronto Xaflad lagu taageeraayo RW Xasan Cali Khayre iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafladaan oo loo soo agaasimayay si heersaha ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ay ka midyihiin dublamaasiyiin dalka Canada isuguna jira Wasiiro iyo Xildhibaano, Culumaa’udiin Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqaqanka Soomaaliyeed, Aqoonyahada, Haweeynka, Dhaliyarada, bahda Fanka iyo Sportiga.

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Dowlada Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyagoo codkooda ku muujiyay sida ay ugu hanweyn yihiin curashda dowlad shacab taasoo ka turmaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo in lahelo dowlad waafiya oo soo celisa dhamaan kalsoonida shacabka gudaha iyo kuwa dibadaba.

Iyadoo aysan halkaa ka marneyn dhibaatada baahsan ee abaaraha ku habsaday dalkeena kuwaasoo waxyeelo ba’an u geystay dad iyo duun yaba ayaa kasoo qeyb galayaashii waxay ay si wada jir ah ugu baroor diiqeen dhibka heysta walaalohooda Soomaaliyeed, waxaana halkaa lagu bilaabay wacyi gelin sidii uu qof waliba oo inaga mid ah uu u taakuleyn lahaa sida ay wax uga qaban lahaayeen abaartan.

Waxaa halkaa ku sugnaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo Iyana halkaa ka hadlay ayaa codsaday in ay shacabka Soomaaliyeed ee isugu yimid Xafladaan ay ka faa’iideystaan fursada ay heystaan iyagoo ka qeyb qaadanaayo caalinta walaalohooda dhibaateysan waxaana halkaa lagu ururriyay dhaqaale gaaraya in kabadan $5000 oo Canadian dollar ah.

Waxaa Iyana halkaa ka marneyn in sida caadada u ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Toronto inay halkaa kusoo bandhigaan fankooda qeybihiisa kala duwan – GABAYO, GUUROOW, BARAANBUR, HEESO JACEYL iyo WANAI isugu Jira iyahoo soo jiitay quluubta dadkii kasoo qeyb galay xafladan.

Ugu danbeytii waxaa halkaa mahad celin balaaran kasoo iyagoo ka faa’iideysanaya fursandan

dhamaan dadkii isku soo agaasimay kana soo shaqeeyay xafladan quruxda badan.

xaflad-khayre-toronto-53

xaflad-khayre-toronto-5xaflad-khayre-toronto-42xaflad-khayre-toronto-51xaflad-khayre-toronto-50

xaflad-khayre-toronto-24xaflad-khayre-toronto-25 xaflad-khayre-toronto-26 xaflad-khayre-toronto-28xaflad-khayre-toronto-33xaflad-khayre-toronto-38 xaflad-khayre-toronto-37 xaflad-khayre-toronto-43

sssssss

xaflad-khayre-toronto-39xaflad-khayre-toronto-52 xaflad-khayre-toronto-51 xaflad-khayre-toronto-47 xaflad-khayre-toronto-41 xaflad-khayre-toronto-29 xaflad-khayre-toronto-30

xaflad-khayre-toronto-21 xaflad-khayre-toronto-20 xaflad-khayre-toronto-19 xaflad-khayre-toronto-18

xaflad-khayre-toronto-9 xaflad-khayre-toronto-10 xaflad-khayre-toronto-11 xaflad-khayre-toronto-6 xaflad-khayre-toronto-12 xaflad-khayre-toronto-14xaflad-khayre-toronto-7 xaflad-khayre-toronto-1 xaflad-khayre-toronto-3 xaflad-khayre-toronto-2 xaflad-khayre-toronto-4xaflad-khayre-toronto-32 xaflad-khayre-toronto-37 xaflad-khayre-toronto-38 xaflad-khayre-toronto-36 xaflad-khayre-toronto-35 xaflad-khayre-toronto-29 xaflad-khayre-toronto-30xaflad-khayre-toronto-54 xaflad-khayre-toronto-56 xaflad-khayre-toronto-57

.gudiga-2 gudiga-1 adan+Xarbi+Satte xaflada-4 xaflada-3 xaflada-1 farax+cadnaan faxiyo-gacal xaflada

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment