7983 Views

Dib u Dhiska Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed?

Dib u Dhiska Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed?
____________________________________________________________________________

April 30, 2017

 

Dib u Dhiska Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed, Waa Tiirka Midnimada iyo Jiritaanka u madeena?

 

Sida lawada ogyahay, waxaa  maalmahan uu kajiraa Muran, dhaliyey wal wal iyo walaac badan, Qaabka ama sida ugu Fiican ee dib loogu dhisi karo CIIDANKA  XOOGA  DALKA  Somaaliyeed, si loo helo Ciidan lagu difaaco midnimada iyo Qaranimada umada Somaaliyeed, waayo manta ma jiro Ciidan ilaaliya Xuduudaha Somaaliya, haday noqon lahayd Berriga iyo badaba.

Hadaba sida xaqiiqda ah ama uu ogolyahay Caqliga suuban, majiro wadan ilaashan kara XURIYADIISA iyo XUDUUDIHIISA, hadii uusan lahayn Ciidan ku filan ilaalinta danaha  guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee umadi leedahay.

Si kastaba, waqtigan la joogo manta, Aduunyadu waxay ku kala dambeysaa Awooda Ciidan ee wadan kasta uu lee yahay,  inkastoo ay wadamada Qaarkood awoodooda u isticmaalaan Burburinta wadamo kale oo dhisan ee laga yaabo in ay diideen in la soo fara geliyo danahooda  gaar ahaaneed, waana dhibaatooyinka haysta Caalamka aynu kunool nahay manta, in si toos ah laguugu awood sheegto, iyadoo lagugu bur burinayo Awood Ciidan ee adan iska difaaci Karin waqtigan la joogo.

Waxaa  Sharaf Xumo  iyo Meel kadhac ku ah Xuriyada iyo Jiritaanka umada Somaaliyeed in manta Gor Gortan la geliyo Dhisida Ciidankii DIFAACI lahaa  Xuriyadeena  iyo Xuduudaha dalkeena, si aan u soo ceshano Qaranimadeena.

Sida ku cad Taariikhda umadeena, Somaaliya waxay leedahay SARAAKIIL Aqoon u leh dhamaan Qaybaha kala duwan ee Ciidan leeyahay, qaybahaasina waxay kala yihiin.

  • Ciidanka Lugta.
  • Ciidanka Bada.
  • Ciidanka Cirka.

Sedexdan qayb ee Ciidanka ka koobanyahay, ayaa u sii kala baxa, qaybo badan oo qayb kasta ay leedahay shaqo ugaar ah, Tusaale waxaa jira Ciidan u taba baran si gooni ah oo loogu tala galay, hadii ay dhacdo MASIIBO lama filaan ah.

Hadii aan tusaale u soo qaato Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska, sanad kasta waxaa jira Ciidamo la diyaariyo oo lagu kordhiyo tirada Ciidanka horey u jiray, si loogu bedelo, hadii ay Gaboobaan qaar ka mid ah Ciidanka, hadii ay qaar dhintaan iyo hadii ay qaar Naafa noqdaan, waxaa intaas dheer waxaa jira Ciidan lagu maga caabo Ciidanka KEYDKA oo la isticmaalo markii loo baahdo, Ciidankan intooda badan waa howl gab, laakiin weli ku filan in ay qabtaan, Shaqooyinka qaar ee daruuriga ah, adigoo ka tusaale qaadanaya Dowladahan.

  • Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Maraykanka sanad kasta waxaa loogu tala galay in ay Qorto Ciidan dhan ilaa 57000 kun ilaa 69000 kun Askari (set target of hiring)  oo loo taba baro Xirfadaha kala duwan ee Ciidanku leeyahay, si loo helo ciidan bedela wixii  Gabooba ama dhinta ama Naafa noqda, inta badan ma helaan Ciidan tiradaas la eg.

 

  • Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Ingiriiska sanad kasta waxaa loogu tala galay in ay Qorto Ciidan dhan ilaa 62000 askari (set target of hiring)  iyo weliba dheeraad dhan 9580 askari sanad kasta, si loo helo ciidan bedela wixii  Gabooba ama dhinta ama Naafa noqda, inta badan ma helaan Ciidan tiradaas la eg.

 

  • Ethipiya waxay sanadkii Qortaa Ciidan gaaraya ilaa 15000 kun askari oo u kala baxa qaybaha kala duwan ee Ciidamada, waxayna ku biishaa Mucaawinada loogu tala galay dadkeeda baahan, dowladaha Bixiya Mucaawinadaas oo ay ugu horeyso CANADA kama hadlaan, lacagahaas la siiyo Ciidanka Itoobiya.

Waxaa intaas dheer Ciidan in la helo waxaa lagu bixiyaa Juhdi iyo Dhaqaale fara badan, iyadoo laga Xayeysiiyo Idaacadaha leh maqalka  iyo Muuqaalka, waxaana Ciidanka cusub loo balan qaadaa in ay heli doonaan wax kasta ee daryeel Bini’adinnimo ah ee ay mudanyihiin. Sida

  • Daryeelka Raashinka, Caafimaadka, Wax barashada, Guryaha, daryeelka Naafada iyo Daryeelka Howl gabka.

Hadaba waxaa Murugo iyo Ciil ah iyadoo aduunyadu ay sanad kasta kordhiso Tirada Ciidamadeeda in manta lagu GOR GOR Tamo Somaaliya Ciidan Mayeelan kartaa, !!! mise ma yeelan karto, hadii ay yeela tase  intee ayuu gaari karaa tiradiisa, iskaba daa in sanad kasta laqoro Ciidan Somaaliyeed?

 

War iyo Dhamaan waxaan Codsi iyo Fariin Culus u diyaa MD Waynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka in si dhaqso ah loogu sameeyo dib u habayn Ciidanka Xooga dalka, hadba inta ay tabarta Gaarto, si loo helo Ciidan ilaaliya Xuriyada iyo Qaranimada Somaaliyeed, anigoo og in ay jiraan duruufo aad u adag, hadana waxaa loo bahan yahay in laga boxo qaabka uu maanta u dhisanyahay Ciidanka Xooga ee ah Ciidan BEELEED iyo Ciidan ka Amar qaata Shaqsiyaad soo ahaan jiray Hogaamiye Kooxeedyo.

Waxaa kale Muuhiim ah (must) in la soo Aruuriyo Saraakiisha Aqoonta kuliyadeed leh ee ay qaarkood Howl gabyihiin, si looga faa’idaysto Aqoontooda, waayoo Xaqiiqdii manta uma baahnin in ay Dowlado shisheeye noo taba baraan Ciidamadeena,Sirteenana la ogaado, anagoo heli karna Saraakiil aqoon buuxda uleh qaybaha kala duwan ee Ciidan leeyahay.

Waxaa kalo waa jib ah in Ciidanka loo helo daryeelka ay u baahan yihiin, si loo helo Ciidan Tayo leh oo gudanka kara waajibaadka laga rabo, waxaana xaqiiq ah in manta la heli karo Ciidan ilaa xad ku filan dhibaatooyinka  jira.

Ciidanku wuxuu u baahanyahay Saraakiil leh Aqoon iyo Daacadnimo oo Ciiidanka ku hogaamiso Sharciga iyo Nidaamka  u dhigan Ciidanka, si loo helo Askari hufan oo gudanka waajibaadkiisa  shaqo.

Ugu dambeyn, waxaan mar kale ka Digayaa in aan la GELIN Shaki iyo Gor Gortan Qaabka loo dhisayo Ciidanka Xooga iyo in loo diyaariyo Daryeelka uu u baahan yahay, hadba Tabarta inta ay Gaarto, iyadoo mudnaanta la siinayo in laga Kaaftoomo Ciidan Beeleed iyo kuwa ay leeyihiin Shaqsiyaad gaar ah.

Waxaan Codsi gaar ah udirayaa Gudiga Amaanka ee Golaha Shacabka in ay si dhab ah ula Xisaabtamaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka, si ay ula yimaadaan wax qabad muuqda, iyagoo latashi la sameynaya Saraakiisha Aqoonta dheer u leh Qaybaha kala duwan ee Ciidanka, silo helo ilaa Xad Ciidan dhisan oo Amaanka sugi kara.

Waana in la siiyo waqti lagula Xisaabtamo, Wasiirka  Gashandhiga iyo Taliyaha Ciidan Xooga, iyagoo loo sheegayo in ay heli doonaan wixii Abaal marin ah ee la Xiriira Wanaag iyo Xumaan, wixii ay soo kordhiyaan, Waxaana  leeyahay halaga digtoonaado Cadowga iyo kuwa u shaqeeyo ee is ticmaalaya Xeeladaha kala duwan ee uu san fahmi Karin Qofka Aqoonta yar iyo kan maan gaabka ah.

Bal aqri Heesta Ciidanka

Midka maqana joogow Ciidanka ka mid ahow, magac ila wadaagow Difaaceeda Maandeeq, maalin qurana aan gelin,  aan imaanin madashee.

Markii uu MUSHAAR JIRO miiska saaranyahay isku soo maqiiqoo, ma ogtahay Madaxdaa Xooga maamushee, Musuq maasuq iyo Eexdu inay mamnuuc katahay.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment