666 Views

booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay burcad hubeysan oo dadka dagan Daaru-salam dhac u geysanayey

booliska Soomaaliya oo  gacanta ku soo dhigay   burcad hubeysan oo dadka  dagan  Daaru-salam dhac u geysanayey
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa saaka waxa ay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah burcad hhubeysan dadka  shacabka ah ee ku dhaqan Deeganka Daaru-salam dhac u geysanayey.

Ragan lasoo qabtay ayaa oo gaaraya ilaa Afar ku hubeysan hubka nuucyadisa kala duwan iyadoo lagu  weeraray xaafado kamida Deegaanka islamarkaana waxaa la sheegay in saddex kamida fakadeeen.

Ciidamada booliska ayaa hada gacanta ku haya qaar kamid ah burcadaas oo dadka shacabka ah u geysan jaray dhaca iyadoo mid kamid ah uu yahay dhaawac.

Ciidanka booliska deegaanka oo kaashanaya shacab-ka ayaa hada ku raad joogo sidi loo soo qaban lahaa Sadaxda kale ee Burcada ah .

Taliyaha Saldhiga booliska Deeganka ayaa shacabka ku dhaqan Deeganka Daru-salam uga Mahad celiyay wada shaqeynta wanagsan ee ka dhaxeyso ciidamada booliska iyo dadka shacabka ah.

Ciidamada booliska ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay howlgalo lagu soo qabqabanaayey dadka dhaca u geysta shacabka ka wadeen magaalada Muqdisho iyadoo hore gacanta loogu soo dhigay burcad badan oo dhac ka geysan jaray caasimada, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah burcada ay kasoo muuqdeen maxkamadda islamarkaana lagu riday xukun.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post