459 Views

Dhimashada dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Yasooman ee ciidamada Soomaaliya iyo Alshabaab oo korodhay

Dhimashada dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Yasooman  ee ciidamada Soomaaliya iyo Alshabaab oo korodhay
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 12, 2022

Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ay dib u qabsadeen deegaanka Yasooman.

Deegaankan, ayaa qiyaastii 35 km waqooyi bari uga beegan degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan. Saaka ayay galeen halkaasi dagaal yahanada Al-Shabaab.

Aroornimadii hore ayaa dagaal lagu hoobtay waxa uu Yasooman ku dhaxmaray ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah, iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dawladdu ayaa waxay sheegtay in 50 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, halka Shabaabkuna sheegeen inay dileen in kabadan 100 askari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post