645 Views

Wasaaradda waxbarashada oo joojisay lacag Maamulka G/Banaadir ka qaadayay Iskuulada

Wasaaradda waxbarashada oo joojisay lacag Maamulka G/Banaadir ka qaadayay Iskuulada
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa go’aamo ka soo saartay cabashooyin kaga yimid hay’adaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyada la baabi’iyay lacagaha uu Maamulka Gobolka ka qaado Iskuulada kuyaal Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in ay Wasaaradda soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid  hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomnaaliyeed, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, taaas oo ku aadan qarashaad xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada.

” Iyada oo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaar ka ah ee ay la daalaadhacayeen iyo
culayska ay arrinkaani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxwaynaha JFS iyo Ra’iisul- Wasaaraha Xukuumada JFS, oo ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si
gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay canuurtoodu wax ku bartaan iskuuladda ku yaala Gobolka
Banaadir, waxaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS
CAbdullahi Abukar Haji uu soo saaray qodabada soo socda.

1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post