1185 Views

Booliska Somalia oo ka hadlay qarixii ka dhacay Magalada Muqdisho

Booliska Somalia oo ka hadlay qarixii ka dhacay Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay qaarxii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah geystay ee Maanta barqadii ka dhacay Magalada Muqdisho.

 

Waxaa ay sheegtay taliya Zakiya in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageen Gaari noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonayay in uu si xoog ah ku maro bar-koontorool ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka Km4,isla markaana ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.

 

 

 

Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen ayay tiri Taliya Zakiya”.

 

Taliska Booliska Soomaaliya sirasmi ah uma shaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxaas,hayeeshee warar madax banana oo soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in 12 Ruux ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment