582 Views

Wasaaradda Gargaarka oo deeq gargaar ah gaarsiisay magaalada Xudur

Wasaaradda Gargaarka oo deeq gargaar ah gaarsiisay magaalada Xudur
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 12, 2022

Deeqdaan gargaarka ah oo loogu talagalay danyarta ku nool magaalada Xudur oo ah lixtan iyo bar oo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay in dadka abaartu saamaysay lagaarsiiyo, waxaana Magaalada Xudur ay ka mid tahay magaalooyinka ugu daran ee saameynta abaarta aad looga dareemayo kumanaan kun barakacayaal ahna dulsaaran yihiin.

Deeqada ayaa waxay ka kooban tahay cuntada quutul daruuriga noocyadiisa kala duwan, inkastoo baahida jirta marka loo fiiriyo ay aad u yartahay tirada raashiinka oo lixtan iyo bar ah, hadana waxay dabka ushidaa qysaska nasiib u yeesho oo gar gaarkaan lagaarsiiyo.

Gargaarkaan raashiinka waxa garoonka diyaarada kula wareegey maamulka go
Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur oo usbuucyadii lasoo dhaafay direy digniino ku aadan in deg deg loogu soo gurmado xudur oo bulshada gobolka bakool intooda badan isugu yimaadeen.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur oo uga mahadceliyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in gargaar ku filan lala soo gaaro shacabka Bakool oo abaar iyo go’doomin isku darsaday oo deegaan kale ugurman karo aysan jirin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post