927 Views

Mareykanka oo hakinaya dhaqaalihii uu siin jiray WHO

Mareykanka oo hakinaya dhaqaalihii uu siin jiray WHO
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

 

Waxa uu sheegay in WHO ay “ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi” marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus.

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo.

 

Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment