1041 Views

SAWIRO:-Wasiirka Gaashaandhigga & Xubno kale oo gaaray Awdheegle

SAWIRO:-Wasiirka Gaashaandhigga & Xubno kale oo gaaray Awdheegle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed( Amar-dambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka heer federaal, taliye xigeenka ciidanka xooga dalka iyo wasiirka wasaarada gaadhaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose.

“Waxaan maanta safar shaqo ku tagnay Degmada Awdheegle oo ka soo ka baneysa dib-u-dhicii Shabaab ay u gesteen,dadka deegaanka iyo ciidamada xooga dalka ayaa si wadajir ah ugu shaqeya Amaanka,Dhamaan waxaan ka hirgelin doonaa mashaariic hormarineed ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

Muhiimada booqashada ay wafdigaasi ku tageen Awdheegle ayaa ah in dib u dhis lagu sameeyo xarumo caafimaad, xeryo ciidan oo waaweyn, xarumo waxbrasho iyo saldhiga taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii ugu dambeeyey ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment