1140 Views

Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Rooble oo sheegay in dalka musuq maasuq weyn kajiro

Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Rooble oo sheegay in dalka musuq maasuq weyn kajiro
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kajiro Musuq-maasuq kii ugu weynaa, kaas oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kaliya musuq maasuq u yaqaanaan lacago la kala qaato, balse dalka uu kajiro musuq maasuq Waxbarasho, sida Iskuulada & Jaamacadaha.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in maalin dhaweed ay dhacday in Arday farabadan oo doonaya inay dhigtaan Jaamacad, balse markii baaritaan lagu sameeyay laga weyay arday heysta Shahaadada Dugsiga sare.

Ugu dambeyn  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qorsheyneyso in musuq maasuq dhanka waxbarashada ah ee jira inay waxka qabato.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post