1323 Views

Diyaaradaha ganacsiga ee Mareykanka oo ku biiraya soo daadgureynta dadka ku sugan Kabul

Diyaaradaha ganacsiga ee Mareykanka oo ku biiraya soo daadgureynta dadka ku sugan Kabul
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Maamulka Biden ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo isticmaalo diyaaradaha ganacsiga si loo bixiyo dadka AfgHanistan ka soo cararaya, marka ay ka soo baxaan Kabul.

Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in tani ay quseyso siddeed iyo toban diyaaradood oo ay ku jiraan United, American Airlines iyo Delta, iyadoona u oggolaan doonta diyaaradaha milateriga inay xoogga saaraan howlgallada milateri ee ka socda caasimadda Afgaanistaan.

Amarka noocan oo kale ayaa ah mid dhif ah, waana markii saddexaad ee la isticmaalo.

Illaa iyo hadda, in ka badan dhowr iyo toban waddan ayaa oggolaaday in ay marinno u noqdaan duullimaadyada millatariga Mareykanka ee caasimadda Afghanistan ka soo daadgureynaya muwaadiniita u dhashay Mareykanka iyo muwaadiniin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post