1443 Views

Midowga Yurub oo sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya

Midowga Yurub oo sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 13, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Brussels kula kulmay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah, Neven Mimica.

 

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Neven Mimica ayaa looga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-qaabeynta ee dowladdu wado.

 

 

Neven Mimica oo caddeeyay in midawga Yurub ay sii wadayo taageeradiisa arrimaha dib-u-habeynta ee guulaha wanaagsan laga gaaray, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay maal gelin xooggan oo wax ku ool ah, si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, u yimid inuu kulamo la qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment