1074 Views

Puntland oo sheegtay in la musuq maasuqay dhaqaalo loogu talo galay dad uu saameeyay Ayaxa

Puntland oo sheegtay in la musuq maasuqay dhaqaalo loogu talo galay dad uu saameeyay Ayaxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 10, 2021Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaciyay in Ayaxa uu dhibaato farabadan ku haayo degaano ka tirsan Maamulkaas, isla markaana iyaga aysan awoodin waxka qabashada Ayaxa.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Maamulka  Puntland Saynab Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay in xilligan Ayaxa ku habsaday degaannada Puntland uu aad u farabadan yahay loona baahan yahay in lag hortago.

Waxaa ay sheegtay in dalagyada Beero ku yaal degaannada Puntland uu Ayaxa baabi’iyay, sidoo kalena ay jirto in Hay’ado iyo dad kale ay meelo kalo marsiiyeen lacago loogu talo galay dadka uu saameeyay Ayaxa.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Maamulka  Puntland Saynab Ismaaciil Maxamed waxaa ay sheegtay in ka Wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo ay uga hortagayaan in Ayaxa uu ku faafo degaannada kale ee Puntland.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya uu ku habsaday Ayaxa, isaga oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post