798 Views

Ciidanka Ruushka ee diyaardaaha ka booda oo weerar ku qaaday caasimadda labaad ee Ukraine

Ciidanka Ruushka ee diyaardaaha ka booda oo weerar ku qaaday caasimadda labaad ee Ukraine
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Militeriga Ukraine ayaa xaqiijiyay in ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ruushka ay weerar ku qaadeen caasimadda labaad ee Ukraine si ay u qabsadaan magaaladan lagu hareereysan yahay.

Waxay intaa ku dareen in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen cisbitalka ciidamada ee gobolka, isla markaana uu dagaalku socdo

Kharkiv ayaa xuddun u aheyd dagaalka ka socda Ukraine kadib duulaanka Ruushka.

Talaadadii, gantaal ayaa ku dhacay xarunta dawlada hoose ee magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, waxaana ka dhashay qarax weyn oo burburiyay baabuur iyo dhismooyin.

Ruushka ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay deegaanno ay dadka ku badan yihiin oo ku yaalla Kharkiv, madaxweynaha Ukraine, Zelensky ayaa markii dambe weerarka ku tilmaamay dambi dagal.

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay magaalada Kharkiv Talaadadii, tobanaan kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiishaku howlan gurmadka deg deg ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post