600 Views

Muqdisho oo Ciidamo la Ciir Ciiraysa iyo NISA lagu arkay agagaarka Wadooyinka Muqdisho

Muqdisho oo Ciidamo la  Ciir Ciiraysa iyo  NISA lagu arkay agagaarka Wadooyinka Muqdisho
____________________________________________________________________________

 
Arbaco: September 8, 2021

Xaalada magalada Muqdisho oo aad u kacsan saacadihii la soo dhaafay, waxaana laga dareemayaa Ciidamo dheeraad ah oo soo buux dhaafiyay Wadooyinka Muqdisho.

Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ayaa waxaa wadooyinkeeda la soo dhoobay Ciidamo badan oo ku hubeysan dabaabado.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa NISA lagu arkay agagaarka xarunta iyo waddooyinka laga galo, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo.

Sidoo kale saacado ka hor ayey aheyd markii barta Twitter-ka ee NISA lagu shaaciyey inuu si rasmi ah xilka ula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo uu xalay si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post