780 Views

Sanbaloolshe” Madaxweyne Farmaajo wuxuu Ciidamada u kala saaray keenna & Tuugada”

Sanbaloolshe” Madaxweyne Farmaajo wuxuu Ciidamada u kala saaray keenna & Tuugada”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021–Taliyihii Hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe  ayaa dhaliilay sida ay dowladda Madaxweyne Farmaajo u maamusho Ciidamada & nidaamka Amniga ee dowladda Soomaaliya.

Isaga khudbad ka jeedinayay shirka Madasha Aragti Wadaaga Machadka Heratige ee Magaalada garoowe ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo ay siyaasadeeysay dhismaha Ciidamada, isla markaana hab beeleed loo kala saaray.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ee Al-Shabaab ka saaray degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan & shabeellooyinka loo yaqaano tuugo halka kuwa ka yimid Gedo, Buuhodle  iyo degaano kale loo yaqaano kuweenna.

“  Nidaamka dhisida Ciidamada balantu waxaa ay aheyd in la isla ogaado, hayeeshee waxaa jira Ciidamo aan la ogeyn oo loo diray Ereteriya, Madaxweyne farmaajo markii uu imaanayay waxa uu ciidamada u kala saaray Team keena iyo Tuugada ayuu yiri  ” sanbaloolshe.

Sidoo kale Taliyihii Hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in hubka culus ee dowladda lagu taageeray loo dhiibay dad khaas ah dadka kalena laga ilaaliyay, isla markaana Todobaadkii la soo dhaafay Madaxtooyada laga saaray hub loo qeybiyay dad Shacab ah.

Taliyihii Hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya  Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxaa uu kamid yahay dadka sida weyn u dhaliila hab maamulka dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post