927 Views

Puntland oo degaanadeeda ka musaafurisay Qaxooti Itoobiyaan ah

Puntland oo degaanadeeda ka musaafurisay Qaxooti Itoobiyaan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 20 2021=Maamulka Puntland oo kaashanaya hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa waxaa ay ka qaadeen Gudaha Puntland Qaxooti Itoobiyan ah oo muddo ku noolaa Magaalooyin ka tirsan Maamulkaasi Puntland.

Dadkaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 42 Ruux ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkooda Itoobiya, iyaga oo badi laga qaaday magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaxootigaas ay si nabad ah ku tageen dalkooda Itoobiya, iyaga oo ka faa’iideystay Barnaamij ay dadka dib ugu laabanayo dalalkooda ku caawineyso Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobay ee IOM.

Dadka Itoobiyanka ah ee Puntland & hay’adda IOM ka qaadeen Magaalada Boosaaso ayaa muddo bil ah ku xayirnaa halkaas, iyaga oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore qab qabatay dad u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo doonayay inay ka tahriibaan Xeebaha Gobolka Bari si ay u gaaraan qaar kamid ah wadamada Carbeed sida Yemen iyo Sacuudiga.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post