765 Views

Hay’adda maareynta Musiibooyinka dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (AFAD) ayaa shaacisay inuu sii kordhay Khasaaraha ka dhashay dhul-gariirki

Hay’adda maareynta Musiibooyinka dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (AFAD) ayaa shaacisay inuu sii kordhay Khasaaraha ka dhashay dhul-gariirki
____________________________________________________________________________

Hay’adda maareynta Musiibooyinka dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (AFAD) ayaa shaacisay inuu sii kordhay Khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkii xooganaa oo Jimcihii lasoo dhaafay ku dhuftay Magaalada Izmir ee dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Musiibooyinka AFAD ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadkii ku naf-waayay dhul gariirka ay gaartay 76 qof, halka ay ku dhaawacmeen 962 qof, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad oo lagula tacaalayo xaaladooda.

Boqolaal qof oo Turki ah ayaa buux dhaafiyay Xarumaha Caafimaad oo baadi  goob ugu jira qaar kamid ah Eheladooda oo maqan, waxaana Wasaaradda Caafimaadka dalkaas sheegtay dadka dhaawacmay loo fidinayo adeegyo Caafimaad.

Sidoo kale Hay’adaha Gurmdka deg-degga ayaa weli dadaalo kala duwan oo lagu soo badbaadinayo dad kale oo la la’yay, isla markaana loo maleynayo inay kusoo jiraan dhimashayaashii soo dumay ee  ku yaalla Magaalada Izmir ee Turkiga.

Dhul graiirka ka dhacay Izmir ayaa ahaa mid qoto dheer oo gaaraya 16.54 KM (10 mayl), Dhulgariirka, sidoo kalena uxay xeebta badda Aegean Sea ee u dhexeysa Turkiga iyo Greece-ga.

Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u muujiyay isku duubni bulshada, wuxuuna sheegay in Turkigu garab taagan yahay muwaadiniintiisa uu saameeyay dhul gariirka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post