954 Views

Madaxtooyadda Somalia oo iska fogeysay hadalkii C/raxmaan Guulwade

Madaxtooyadda Somalia oo iska fogeysay hadalkii C/raxmaan Guulwade
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 22 -2020—War-Saxaafadeed kasoo baxey Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la isaga fogeeyey hadal uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo kamid ah Guddigii Madaxweyne Farmaajo u Magacaabey Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

 

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Madaxtooyadda Soomaaliya.

 

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

 

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

 

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

 

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment