1119 Views

Abiy Ahmed oo sheegay inuu xal u raadinayo Khilaafka Kenya iyo Somalia

Abiy Ahmed oo sheegay inuu xal u raadinayo Khilaafka Kenya iyo Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 1,, 2019  –Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadlay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo laga cabsi qabo inuu keeno in mar kale Safiirada la kala qaato.

 

Dr Abiy Axmed, waxa uu sheegay iney tahay waajib saaran xalinta Khilaafka taagan, hadii uu taas sameyn waayana ay ka dhigan tahay in xiriirka dhulka sii galaya ee labada dal ee deriska la ah uu saameen taban ku yeelanayo horumarka ay hiigsaneyso Xukuumada Addis-Ababa.

 

“Waanu ognahay dhibaato kasta oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya waxay kusoo biyo shubaneysaa dhankeena, Sababtaasi darteeda, waxaan jeclaan lahaa in aan kala shaqeyno sidii loo xalin lahaa iyadda (dhibaatadda)” ayuu yiri  Abiy.

 

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed, ayaa dhinaca kale sheegay in xal u helista Xiisada ka dhex aloosan Xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi uu kala kaashanayo Wadamada Eritrea iyo Suudaanta Koonfureed.

 

“Hadii aan soo qaato dhibaatada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaanu doneynaa in Eritrea iyo Suudaanta Koonfureed, oo ay wehliso Ethiopia, in aan mid kasta oo kamida ka caawino oo aan ka taageerno sidii ay u xalin lahaayeen arrimahaasi,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo u waramay laanta Af­Amxaariga VOA­da.

 

Kenya ayaa sare u sii qaadeysa culeyska ay saareyso dowladda Soomaaliya, taasoo ay ku dooneyso in Xukuumada Muqdisho ay dib ula soo laabato Dacwadda dhinaca Badda ee hortaala Maxkamada ICJ, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay ineysan marnaba gal dacwadeedkaas dib u soo celineynin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment