531 Views

Mareykanka oo ka hadlay waxa laga yeelayo aqoonsiga Somaliland?

Mareykanka oo ka hadlay waxa laga yeelayo aqoonsiga Somaliland?
____________________________________________________________________________

Axad: July 3, 2022

 Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry Andre ayaa markii u horraysay jawaab ka bixiyay codsi ay dhowaan u jeedisay Somaliland in loo ixtiraamo dal ka madax-bannaan Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin laba dowladood oo ay tahay hal dal iyo hal dowlad islamarkaana ay ixtiraam u hayaan xuduudaha rasmiga ah ee waddanka.

Ambassador Larry Andre ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad ku saabsan xuska todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

In ka badan 30 sanno ayaa Somaliland sheeganaysay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inkastoo aysan weli helin cid aqoonsan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post