1497 Views

Warar is-khilaafsan oo laga werinayo xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un

Warar is-khilaafsan oo laga werinayo xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 21 2020–Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.

 

Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato.

 

 

 

Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey.

 

Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas.

 

Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

 

Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April.

 

Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada hseegaya in Kim uu xanuunsan yahay.

 

Laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Korea-da Koonfureed ayaa ku gacan seeray warbixinta CNN, ayaga oo aan sharxin in Kim uu qalliin maray iyo in kale.

 

Madaxtooyada Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi.

 

Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee maamula Shiinaha, gaar ahaan qeybta qaabilsan arrimaha Korea-da Waqooyi ayaa Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in Kim uusan xanuunsaneyn. China ayaa ah xulufada ugu weyn ee Korea-da Waqooyi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment