498 Views

Jarmalka oo dacwad ka dhan ah Talyaaniga u gudbiyay ICJ

Jarmalka oo dacwad ka dhan ah Talyaaniga u gudbiyay ICJ
____________________________________________________________________________


Sabti: April 30, 2022

 Jarmalka ayaa dacwad ka dhan ah Talyaaniga u gudbiyay maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxayna sheegeen in Rome ay sii waddo in ay u oggolaato dhibanayaasha dembiyadii Nazi-ga in ay magdhow ka dalbadaan dawladda Jarmalka, iyadoo taasi ay ka soo horjeeddo xukun ay ICJ horey ugu sheegtay in sheegashooyinka ceynkan ah ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ayaa Jimcihii webseedkeeda ku daabacday dacwaddan uu Jarmalku geeyay maxkamadda, taasi oo uu Jarmalku ku sheegay in tallaabada maxkamadaha gudaha Talyaaniga ay ka soo horjeeddo xukunkii Maxkamadda ICJ ay soo saartay 2012-kii.

Berlin ayaa sheegtay in tan iyo xukunkii 2012-kii, ay jiraan wax badan 25 kiisas cusub oo lagu sheeganayo magdhow kuwaasi oo laga xareeyay maxkamadaha gudaha Talyaaniga kana dhan ah dowladda Jarmalka. Magdhowga ayaa la xiriira waxyeeladii dhibaneyaasha ka soo gaartay dabiyadii dagaal ee Naaziyiintii Jarmalka xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Maxkamadaha ayaa inta badan kiisaska ka soo saara go’aanno ah in dowladda Jarmalku ay magdhaw bixiso, waxaana si go’aankaasi loo dhaqangeliyo ay maxkamadaha Talyaanigu isku dayaan in ay la wareegaan guryo uu Jarmalku ku leeyahay Rome.

Jarmalku waxa uu sheegay in uu hadda dacwad u gudbiyay ICJ sababtoo ah a Maxkamad Talyaani ah ayaa sheegtay in 25-ka May ay go’aan ka gaari doonto haddii lagu qasbayo in la iibiyo dhismayaasha Jarmalku leeyahay oo ay ku jiraan kuwa martigeliya hay’adaha dhaqanka, taariikhda, iyo waxbarashada ee Jarmal.

REUTERS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post