846 Views

Maamulka Galmudug oo soo geba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka

Maamulka Galmudug oo soo geba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa soo gabagabeeyay dhammaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ka dib markii kuraastii ugu dambeysay goor dhow lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Xuseen Axmed Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#021 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax ⁰Xuseen Axmed Culusow ayaa ku guuleysatay 99 cod oo ah kooramka ergada xaadirka ahayd.

Sahro Colaad Cabdi ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#018 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Sahro Colaad Cabdi ayaa ku guuleysatay 101 cod oo ah kooramka ergada dhammaan.

Shamso Cilmi Xasan ayaa ku guuleystay kursiga HOP 020 kadib goobta doorashada ay soo xaadiri weysay musharaxdii la tartameysay.

Shamso ayaa noqoneysa xildhibaanada ugu dambeysay ee lagu soo gaba gabeeyo

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post