1170 Views

Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Caasimadda Masar

Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Caasimadda Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 06, 2019 —Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa sheegay in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaacay uu ka dhacay gudaha caasimadda dalkaasi.

Laba kamid ah ciidamada amaanka ayaa ku geeriyootay kadib markii ay isku deyeen in ay gacantooda kaga hortagaan waxyaabo qarxa oo la soo dhigay meel u dhow Kaniisadda Coptic oo kutaala magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,sida ay shegeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Mustafa Cabdi Waxaa uu kamid ahaa saraakiisha miino barista,wuuna geeriyooday kadib markii qaraxa uu dhacay intaa ay ku howlanaayeen ka hortagistiisa,labo kale oo ka tirsan saraakiisha ammaanka iyo qof kale oo meesha ka ag dhawaa ayaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen.

Waxyaabaha qarxay ayaa la sheegay in baakad lagu soo daboolay meelna la dhigay oo Kaniisadda kamid ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment