1071 Views

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & Booliska oo ka hadlay

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & Booliska oo ka hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 24, 2021–Qarax is-miidaamin oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegau in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo dhimashada qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post