639 Views

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo mar kale ugu baaqay Ahlu Sunna in hubka dhigaan isna dhiibaan

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo mar kale ugu baaqay Ahlu Sunna in hubka dhigaan isna dhiibaan
____________________________________________________________________________

isniin: November 1, 2021

Ciidamada dowlada federaalkka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa dhawaan dagaal dhiig badan ku daatay magaalada Guriceel kula galay ciidamo hubeesan oo taabacsan kooxda Ahlu Sunna.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa halkaasi kulamo kula leh odayaasha dhaqan magaaladaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Guriceel.

Qoor Qoor ayaa odayaasha Beesha Ceyr uu kulan kula qaatay magaalada Guriceel kaga dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii kooxda Ahlu Sunna hubka ay heestaan ugu soo wareejin lahaayeen Galmudug raga u dagaalamayanaya isku soo dhiibaan maamulka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u sheegay Odayaasha uu la kulmay in ay qasab tahay in kooxda Ahlu Sunna hubka dhigaan isna soo dhiibaan si looga baaqsado dagaal dhiig badan ku daato oo mar kala ka dhaca deegaano hoostaga Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Odayaasha Dhaqanka Guriceel ayaana Madaxweynaha Galmudug u sheegay in ay raadinayaan xal kasta oo looga baaqsan karo in mar kale dagaal dhaco, waxa ayna Odayaasha taageero u muujiyeen Madaxweynaha iyo maamulkiisa.

Ciidamada Ahlu Sunna ee dhawaan isaga baxay magaalada Guriceel ayaa iyaga oo hub culus wata waxa ay joogaan deegaan lagu magacaabo Bohol oo kuyaala Duleedka Dhuusomareeb, lamana oga sida Ahlu Sunna ku aqbaleyso in ay hubka dhigaan.

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post