2379 Views

Akhriso-:Golaha Iskaashiga M/Gobaleedyada oo dowladda ka dalbaday in Mucaaradka laga joojiyo Caburinta.

Akhriso-:Golaha Iskaashiga M/Gobaleedyada oo dowladda ka dalbaday in Mucaaradka laga joojiyo Caburinta.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 – Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa markii u horeysay war ka soo saaray xariggii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xalay dowladda damiin ku sii deysay iyo xaaladihii ka dhashay xarigiisa, kaddib howl gal dhiig u daatay oo habeenkii Axadii Ciidamo ka tirsan NISA ku qaadeen guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday howl galkaas, waxaa uu Goluhu sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu isha ku hayay xiisadaha siyaasadeed  iyo amni ee ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay sheegeen in hadii aan xal siyaasadeed oo degdeg laga gaarin saameyn xooggan ku yeelan karto degenaanshaha iyo xasiloonida dalka.

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa soo dhoweeyay sii deynta C/raxmaan C/shakuur oo ay dadaalo u galeen Madaxda Maamul goboleedyada, siyaasiyiin, odayaal Xildhibaano iyo Wasiiro, sidoo kale waxaa ay ku baaqeen inta dhiman si degdeg ah oo waafaqsan sharciga lagu dhameeyo, lana dhowro xasiloonida guud, amniga iyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadiniinta.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka digay in dambi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed ee mar walba jiri kara, isla markaana la bartilmaameedsado siyaasiyiinta mucaarada siyaasadda dowladda, waxaa kaloo ka digeen in ciidamada Nabadsugida iyo ciidanka xoogga dalka loo isticmaalo arrimaha madaniga.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-

 

ZZZZZZZZZZ

VVVVVVVVVV

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment