102 Views

Madaxweyne Xasan oo la Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Mareykanka

Madaxweyne Xasan oo la Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan mirofhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka oo sababay Fatahaado.


Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada, kadib markii Soomaaliya deynta laga cafiyay.

Kulamada madaxweynaha uu la qaatay mas’uuliyiinta dowladda Mareynkanka ayaa kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya laga cafiyay lagac dhan 5.2 Bilyan oo Dollar, taas oo ka dhigan in dalka uu heli karo mashaariic hormarineed oo kale duwan iyo dhismayaasha kaabayaasha.

____________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post