690 Views

Wasaaradda haweenka Galmudug oo odayaasha dhaqanka u qabatay aqoon isweedaarsi ku aadan qoondada haweenka

Wasaaradda haweenka Galmudug oo odayaasha dhaqanka u qabatay aqoon isweedaarsi ku aadan qoondada haweenka
____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Wasaaradda haweenka Galmudug oo odayaasha dhaqanka ugu qabatay aqoon isweydaarsi looga hadlayay xaqiijinta Qoondada haweenka.

Aqoon isweedaarsigaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka galmudug oo gacan ka heleysa Machad dimuquraadiyada iyo doorashooyinka qaarada Afrika isla markaana ahaa mid looga arrinsanayay xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashooyinka dalka.

Aqoon isweedaarsigaan oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo,iyadoo oo ay ka qeyb galeen xubno matalayay odayaasha dhaqanka iyo ururada haweenka iyo dhallinyarada .furitaanka aqoon-iswedaarsiga oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socatay maamulka dagmada gaalkacyo iyo Wasaaradda haweenka Galmudug  ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay duqa dagmada Gaalkacyo Mudane  Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo sheegay in ka maamul ahaan ay xoogga saari doonaan xaqiijinta qoondada haweenka 11 kursi oo doorashadooda lagu wado inay  Gaalkacyo ka dhacaan, iyagoo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo guddiyada doorashada.

Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ayaa ,iyaguna balan qaaday in aan la musuq maasuqin doonin qoondada haweenka ayna ka gacan siin doonaan guddiyada loo xilsaaray dabagalka qoondada haweenka ee doorashooyinka.

Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka galmudug Mudane Maxamed Cali Allaale ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka sida wanaagsan ay uga dhiibteen Afkaartooda aqoon isweedaarsigaan.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post