660 Views

DFS oo ku dhawaaqday inay baareyso weerarkii Xalane

DFS oo ku dhawaaqday inay baareyso weerarkii Xalane
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10da Maarso, 2021:Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar hoobiyaal ah oo lagu tuuray xarunta shaqaalaha gargaarka ee Xalane sidoo kale fariisin weyn u ah Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu u muuqdo mid lagu doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqda ee Bulshada Caalamka siiyaan Soomaaliya.

Sisoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan dhameystiran ku sameyneyso weerarka hoobiyeyaasha ah iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkaas.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post