207 Views

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo taageeray Duulaanka uu Ruushka Dalka Ukraine.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo taageeray Duulaanka uu Ruushka Dalka  Ukraine.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka kala dhexeeyo Ruushka isla markaana sheegay in ku eedeeyay reer galbeedka inay ka dambeeyeen dagaalka Ukraine.

“Haddii aadan qaadin tallaabada dhinaca kale wuxuu horseedi lahaa dagaalka” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaey booqday dalka Iran, waana booqashadii labaad ee uu ku tegay dibadda tan iyo markiii uu duullaanka ku qaaday Ukraine bishii February.

Wuxuu Putin sidoo kale Iran kula kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Waxay kulanka kusoo hadal qaadeen dagaalka Suuriya iyadoo Turkiga iyo Ruushka ay kala taageerayaan dhinacyada isku haya colaadda.

Bishii June, Putin wuxuu booqasho ku tegay dalalka Tajikistan iyo Turkmenistan- waa dal horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet, waxaana labadan waddan ka ka taliyaa hoggaamiyeyaal kaligood talis ah, saaxib dhaw ayay la leeyiihiin Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post