1281 Views

Tirada Dhimashada Mareykanka ee COVID-19 oo korortay

Tirada Dhimashada Mareykanka ee COVID-19 oo korortay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 30-2020-Mareykanka tirada dhimashada ee feyraska Corona ayaa dhaaftay 150,000 oo ruux, taas oo ah tirada ugu badan oo corona uu ku dilay dalkaas.

Ku dhowaad 16.5 milyan oo kiis ayuu hadda marayaa COVID-19, iyadoo 9.7 milyan oo qof ay ka bogsoodeen guud ahaan caalamka, tirada dhimashada adduunka ee feyraska ayaa gaaraya 659,000 qof, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu horeeyay kiisadka feyraska Corona, afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa arbacadii fartay dhammaan xubanaha aqalka in ay xirtaan afxirka ama Face Mask.

Waxay sheegtay in xildhibaanka uu iska furo marka uu hadlayo ka dibna looga baahan yahay in uu xirnaado.

“Guddoonka, dhammaan xubnaha golaha iyo shaqaalaha waxaa looga baahan yahay in ay raacaan tilmaamaha caafimaadka kuna dadaalaan badqabka saaxibadooda golaha la fadhaya iyo dadka kale ee ku hareereysan ,” ayay tiri Pelosi.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii sanatorka jamhuuriga ah ee Louie Gohmert, oo diidi jirey xirashada afxirka, arbacadii laga heley xanuunka COVID-19, sidoo kalena sadex kamid ah saaxibadiisa la karantiiley.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | __________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post