1038 Views

Shacabka Jabuuti oo ka cabanaya shuruuc ay dowladdu soo rogtey cudurka Covid19

Shacabka Jabuuti oo ka cabanaya shuruuc ay dowladdu soo rogtey cudurka Covid19
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Wasiirka cusub ee caafimaadka ee dalka Jabuutii Dr. Axmed Rooble Cabdulle, oo dhowaan loo magacaabey wasaaradda, ayaa qaatey go’aanno cusub, oo loogga hortagayo cudurka Covid19 guud ahaan dalka oo dhan.

Kulan muhiim oo uu la qaatey wasiirka guddiga maareynta cudurka Covid19, ayuu kaga dhawaaqey laba go’aan oo la xiriira tallaalka ka hortagga Covid19.

Go’aankan ayaa qasab ka dhigaya in dhammaan dadka ka baxaya Jabtuuti iyo kuwa soo galayaba ay is talaalaan, oo ay arrintaa lagama maarmaan tahay.

Dhanka kale, isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku ayuu ka hadlay iney xoojin doonaan baaritaanada Covid19-ka ee goobaha laga soo galayo guud ahaan dalka oo dhan.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in qof waliba oo socdaal ku yimaada Jabuuti uu gali doonno karantiil, isla markaana ay wadaan qorshe ay ku diyaarinayaan hotelo iyo goobo looggu tala galey dadkan.

Dadka la galinayo karantiilka ayaa iyagu qarashka iska bixin doonna, si loogga foojignaado buu yiri wasiirku in waji kale oo saddexaad uu ku dhufto dalka Jabuuti, oo la xiriira cudurka Covid19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post