1677 Views

Sawirro:-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni Oo Soo Bandhigay Qorshihiisa Siyaasadeed

Sawirro:-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni Oo Soo Bandhigay Qorshihiisa Siyaasadeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2018 –Siciid Cabdulaahi Deni oo ah Musharax Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Xarunta Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Magalada Garoowe waxa uu kusoo bandhigay hankiisa Siyaasadeed iyo Barnaamijkiisa musharaxnimo.

Khudbad uu ka jeediyay Xarunta Jaamacadda ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne farabadan,Aqoonyano,Nabadoono iyo Xildhibaano iyo Qurba joog u yimid inay ka qeyb qaataan Barnaamijka siyaasadeed ee Musharrax madaxweyne Puntland 2019 Siciid Cabdulaahi Deni.

Musharax Deni ayaa soo bandigay waxyaabaha uu qaban doono hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Puntland,waxaana sigaar ah uu u sheegay in ay la Shaqeyn doonaan Bahda Saxaafada,Ammaankana uu wax badan ka qaban doono.

Musharrax Siciid Cabdullah Deni wuxuu horay u noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012,waxaa sidoo kale  uu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment