402 Views

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Zambia iyo Gambia

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Zambia iyo Gambia
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Sii hayaha Wasiirka, ahna Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Balal Mohamed Cusman iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Is-dhexgalka Gobolka ee u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyada Ghana, Mudane Kwaku Ampratwum-Sarpong ayaa kulan ku yeeshey magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada wadan.

Dhinaca kale, wasiir Balal ayaa la kulmay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jamhuuriyadda Gambia Dr. Mamadou Tangram,  kulankaan ayaa isna ka dhacay magaalada Lusaka ee dalkaas Zambia.

Kulankaa labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii uu soo idlaaday shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan golaha fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post