309 Views

Xildhibaan Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh oo safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho oo gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan

Xildhibaan Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh oo  safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho oo gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 30, 2022

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh ayaa safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho, isagoo maanta gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Jacfar ayaa dib u soo abaabulay howlgalkii dhawaan fashilmay ee xoreynta deegaanada beeshiisa oo Wabxo iyo Ceelbuur ay ugu horeeyaan.

Sidoo kale Kolonyada uu hoggaaminayo Xildhibaan Jacfar waxaa maanta gobolka Sh/Dhexe ka sii raacay guddoomiyaha gobolkaas Axmed Faal, waxayna degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ugu tageen oo ku soo dhaweeyey guddoomiye Cali Jeyte.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post