960 Views

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay Shir ka socda Garoowe

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay Shir ka socda Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Shirkii wada tashiga Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada  uga socday Magaalada Garoowe oo galay Maalintii 5-aad ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

 

Muhiimadda kulankan ayaa ah in si wadajir ah looga tashado, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada maaliyadda Dalka.

 

Qorshaha maaliyadda Dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Geba-gaada Shirka wada tashiga Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in War-murtiyeed laga soo saaro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment