1008 Views

Dib u dhac markale ku yimid Shirka heshiisiinta Galmudug

Dib u dhac markale ku yimid Shirka heshiisiinta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Maanta aya qirshuhu ahaa in uu Magalada Dhuusamareeb e Xarunta Galmudug uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug,hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in markale uu dib u dhacay furitaankaas.

 

Waa markii Saddexad oo shirkaasi uu dib u dhaco,waxaana lagu waday in uu furmo 5-tii Bishii Agoosto,hayeeshee dib loo dhigay,waxaana markale Guddiga qaban qaabada ay iclaamiyeen 17kii Bishii Agoosto,hayeeshee sababo aan la sheegin uu dib ugu dhacay,balse Maanta qorsuhu ahaa in uu furmo.

 

Dhamaan ergooyinka ka qeyb-galayay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ku sugan Dhuusamareeb,waxaana horay u jirtay in mid ka mid ah beelaha dega Galmudug oo shir uu uga socdo Magalada Hobyo ay dalbadeen in shirkaasi aan la furin ilaa iyo inta ay shirkooda kasoo geba-gabeynayaan,waxana la ogeyn in baaqashada shirka uu arrinkaasi la xiriiro maadama Bero ay shirkooda soo geba-gabeynayaan.

 

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa sababta baaqashada shirka waxaa ay ku sheegeen inay la xiriirto sababo farsamo lawgeed,isla markaana uu maalinta barrito ah furmayo shirka.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment