1443 Views

C/raxmaan C/Shakuur oo ka digay faragelinta doorashada Galmudug

C/raxmaan C/Shakuur oo ka digay faragelinta doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 20, 2019 —Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa isaga oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb waxaa uu ka ka hadlay doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaannada Galmudug iyo qorshaha lagu dhisaayo Galmudug Cusub.

Waxaa uu sheegay Siyaasiga in Dowladda Soomaaliya uu uga digayo in Maamulka Galmudug ee la dhisaayo uusan noqon mid lagu doonaayo ololaha doorasho ee 2020, hayeeshee ay noqoto mid dadka deegaanka loo dhisaayo.

“howsha la qaban doono ma mid lagu dhisaayo galmudugaa mise waa mid doorashada 2020 loo habeeyo,sanadkii 2015-kii markii la dhsiaayay doorashadii 2016koo ayaa loo dhisaayay laakin taas oo kale ma rabnyo ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame”.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda diyaar garoow ku aadan dhismaah Galmudug loo dhan yahay kaas oo ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana ka hor doorashada Galmudug la qabanayaa shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment