447 Views

Bajaajleyda Muqdisho oo ka cabanaya waqtigooda oo la xadiday

Bajaajleyda Muqdisho oo ka cabanaya waqtigooda oo la xadiday
____________________________________________________________________________


Talaado: July 12, 2022

Taliska Booliiska Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in gabi ahaanba baabuurta yar yar ee loo yaqaano bajaajta, aysan shaqeyn karin wixii ka danbeeya 12-ka habeenimo ee Saqda Dhexe.

Afhayeenka booliiska Cabdifataax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa carabka ku adkeeyey intallaabo laga qaadi doonno Bajaajtii lagu helo iney shaqeyso wixii xiligaas ka danbeeya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in la mamnuucay ciidan aan ahayn kuwa booliiska, in hub ay ku dhex wadan karaan magaalada.

Maxamed Cabdi Weheliye, oo kamid ah Bajaajta dadka ku shaqeysta magaalada Muqdisho, oo la hadlay BBC-da, ayaa tilmaamey in shidaal badan ay isticmaaleyso bajaajtiisa, isagoo sheegay inaanu isku dhigmin dakhliga iyo waxa ka baxayo.

Bajaajleyda ayaa sidoo kale sheegay iney jecel yihiin shaqeynta xiliyada danbe, maadaama shaqadu sahlan tahjay oo ciriiriga wadada aanu badneyn.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post