651 Views

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Iiraan ee IRGC oo lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea.

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka  Iiraan ee IRGC oo  lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea.
____________________________________________________________________________

.

April 8-4-2021

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa shalay lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea.

Markabkaasi oo lagu magacaabo SAVIZ waxaa la sheegay inay la kacay Miino baddeedka, waxaana soo gaaray Khasaaro aan weli la shaacinin.

Telefishinka Al Xadath ayaa baahiyay in ay ka dambaysay Israa’iil, taasi  oo u muuqato mid aargoosi ah, kadib, markii Iiraan lagu eedeeyey Qarax lal beegsaday 2 Markab oo Israa’iil laheed.

Markabka la qarxiyey waxa uu dhowr sano ku sugnaa Badda Cas, halkaasi oo la sheegay inuu soo gelbin jiray Maraakiibta Ganacsiga Iiraan ee ka gudba Gacan-biyoodka Badda Cas.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post