855 Views

Dagaalo sababay dhimashada dad badan oo raiyd ah oo ka socda G/Darfuur

Dagaalo sababay dhimashada dad badan oo raiyd ah oo ka socda G/Darfuur
____________________________________________________________________________

Isniin: April 25, 2022\

Hay’adaha gargaarka ee dalka Sudan ayaa ku warramaya in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay gobalka Darfuur.

Dagaalka ayaa jimchihii ka dhex qarxay laba beelood oo xifaaltan ka dhaxeeyo kuwaas oo wada dega magaalada Krink ee galbeedka Darfuur, iyadoo Isku dhacyadaan ay sii xoogaystay Axaddii.

Rabshadahan oo ka qaraxy galbeedka gobalka Darfuur ayaa sida muuqata waxaa ay ka dhasheen kadib markii qabaa’illo Carab ah ay weerar ku qaadeen tuulooyin ay degganyihiin dadka laga tirada badanyahay ee Massalit .

Weeraradaan oo salka ku hayo aanooyin qabiil ayaa hadda sii xoogaystay. Waxaana socda dhac iyo boob baahsan waxaana la gubayo Guryo badan.

Axaddii shalay hay’adda laanqayrta cas ayaa ka digtay in ay ka sii darto xaaladda binu aadanimo ee halkaasi ka jirta iyadoo ku baaqday in dadka xanuusan iyo kuwa dhaawacmay loo oggalaado in ay gargara helaan.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Krinik ayaa sheegay in halka rabshadhu ka dhacayaan la geeyay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee magacooda loo soo gabaiyo RSF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post