369 Views

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiisha Ciidanka oo tagey deegaano laga saaray Al-shabaab

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiisha Ciidanka oo tagey deegaano laga saaray Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: 25 Agoosto 2022

Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya, Saraakisha Ciidamada Qalabka sida iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa ayaa gaaray deegaanno dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Mas’uuliyiintan ayaa dhageystay warbixin ku aadan Deeganadii laga saaray Al-shabaab iyo gaar ahaan shacabka deegaanka Teedaan oo Al-shabaab ka burburiyeed Ceel biyood iyo adeegyo muhiim u ah shacabka.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa ayaa ka codsaday wasiirka Diifaca iyo saraakisha Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ineey masuuliyad iska saaran Sidii ciidankan looga dhameeystiri lahaa dhamaan Adeegyada muhiim ah looguna garab istaagi dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed ayaa Bogaadin iyo garab istaagid buuxdo u muujiyey ciidamada Dib u xorenynta Deeganada ee Gobalka hiiraan asigoo ka mahadceliyey howshii wanaagsaneed ee aay la qabteen Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliyeed.

Wasiirka Gashaandhiga, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in qorsheynayaan in qalab ku Taagerayaan Ciidamada Qalabka sida ee howlgalada ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post