1503 Views

Boqor Salmaan oo Erdogan kala hadlay arrinta weriye Khashoggi

Boqor Salmaan oo Erdogan kala hadlay arrinta weriye Khashoggi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 15, 2018 —Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Weriyahaasi oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khashoggi ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay gudaha qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegeysa in weriyahaasi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istaanbuul. Balse Sucuudiga ayaa arrintaasi beeniyay.

Madaxweyne Erdogan ayaa tan iyo markii la waayay weriyahaasi ugu baaqayay Sucuudigu in ay runt aka sheegaan arrinta weriyahani oo aad maqaalladiisa iyo wareysiyadiisuba ku dhaliili jiray xukuumadda Sucuudiga.

Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleysi xiriirkaasi wanaagsan ee soo jireenka ahi.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in hadalka boqorka uu ka dhigan yahay in xukuumadda Sucuudigu ay dooneyso in arrintani ay u hesho xal diblomaasiyadeed.

Sucuudiga ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, waxaana waddamada Jarmalka, Britain, iyo Faransiisku ay ku baaqeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo arrinta weriyahaasi.

War murtiyeed ay Axaddi si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka waxay ku baaqeen in baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay Mr Khashoggi in la sameeyo.

“Iyaga oo sheegay iney soo dhaweeynayaan baaritaanka ay si wada jir ah u wadaan Sacuudiga iyo Turkiga, baaritaannada kaddibna ay ka soo bixi doonaan iney Sacuudiga si buuxda u qaadato mas’uuliyadda wariyaha la la’yahay.”

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment